Marka foormka la saxiixayo, waalidiintu waxay ogolaanayaa aabbanimada ilmahooda - taasoo ay micnaheedu tahay si sharci u qirashada aabbanimada. Foomkan waa mid ikhtiyaar ah, ma jirto wax kharash ah oo ku baxaya buuxistiisa, oo waana qaabka ugu dhaqsaha badan ee la isla meeldhigayo aabbahanimada si shahaadada aabbaha ilmaha dhalay loogu shahaadada loogu daro.l Hase ahaatee, qaar ka mid ah isbitaalada dhalmada ee gobolka Ohio ayaa waxaa dhici karta inay qabaan xannibaado caafimaad kuwaas oo xaddidaya tirada dadka soo booqda soo gali kara isbitaalka ee badbaadada bukaankooda iyo xubnaha shaqaalaha. Intaa waxaa dheer, isbitaallada qaarkood ayaa wax ka beddellay hannaankooda ah la kulanka waalidiinta aan isqabin si ay ugala hadlaan isla meeldhigida aabbanimada iyo buuxinta xaanshida Dhaarta ee Qiritaanka Waalidnimada ee (JFS 07038).
Waxaa dhici karta isbitaal kasta inuu lahaado xaddidaadyo caafimaad oo kala duwan iyo hannaanada la raaco. Waxaaa muhiim ah in waalidiinta filaysa inay la xiriiraan goobta dhalmada ka hor dhalashada ilmahooda haddii ay rabaan inay aabbanimada la oggaado inta isbitaalka la joogo. Isbitaallada ayaa bixin kara xogta soo socota:
Tirada dadka taageerada ee loo ogol yahay qolka bukaanka
In qofka taageerada loo ogol yahay iyo in kale inuu ku laabto qolka bukaanka markuu baxo kadib.
Marka shaqaalaha isbitaalku ay diyaar u noqon doonaan la kulmida waalidiinta si looga wada hadlo oona loo buuxiyo xaanshida Dhaarta ee Qiritaanka Waalidnimada
Jawaabbaha laga waydiiyay guud ahaan su'aalaha ku saabsan isla ogaanshaha aabbanimada iyo xaanshida Dhaarta ee Qiritaanka Waalidnimada
Haddii aadan awooddin inaad isla ogaataan aabbanimada inta aad isbitaalka joogto, fadlan la xiriir xafiiska Dhexe ee Diiwaanka Aabbanimada (1-888-810-6446) wixii gargaar ku saabsan. Waan kuu soo diri karnaa foomka saxda ah ee (Acknowledgement of Paternity Affidavit JFS-07038) (xaanshida Dhaarta ee Qiritaanka Waalidnimada ee JFS-07038) oo waxaan kuu fidin doonaa hagis ku saabsan buuxinta foomka, halka laga helayo adeegyada nootaayada/markhaatiga oo bilaash ah, iyo baaritaanka hidda-sidaha.
S. Ma awoodin in aan buuxiyo qirashada qiraalka aabbanimada inta isbitaalka aan joogay laakiin waxaan jeclaan lahaa hadda in aan buuxiyo. Halkee ayaan ka heli karaa foormka?
J. Waa inaad isticmaashaa foomka rasmiga ah ee (Acknowledgment of Paternity Affidavit JFS-07038) xaanshida Dhaarta Qiritaanka Waalidnimada ee JFS-07038). Nuqullada ama qoraallada daabacan ee foomka lama aqbali doono. Labada waalidba waa inay isla foormkii ay ku buuxiyaan macluumaadkooda oo ay ayna ku hor saxiixaan nootaayo ama laba markhaati oo qaangaar ah hortooda. Foomka uma baahna in la nootaayeeyo ama la markhaati furo iyada oo aysan joogaan waalidka kale. Foormka rasmiga ah waxaad ka heli kartaa adiga oo la xiriiraya hay'addaha soo socda:
Goobahan oo dhan waxaa jooga shaqaale tababaran oo diyaar u ah inay waalidiinta ay ka caawiyaan in ay buuxiyaan xaashida dhaarta dhaarta. Tirakoobka Muhiimka ah iyo CSEAs ayaa sidoo kale waxaa u jooga qof nootaayo haysta iyo markhaatiyo bilaash ah oo la heli karo. Haddii foomka la hordhigo iyadoo uu joogo nootaayo, waalidiintu waa inay siiyaan aqoonsi sawir ku habboon nootaayga.
Haddii xafiisyada deegaankaaga ay wakhtigaas dadwaynaha ka xiran yihiin, fadlan CPR kala xiriir 1-888-810-6446. Waxaan kaa caawin karnaa sidii aad u heli lahayd adeegyo nootaayo ah oo adiga kuu dhow.
Su'aal. Xagee ayaan ka heli karaa adeegyada nootaayada oo bilaash ah?
Jawaab. Waxaad ka helaysaa adeegyada nootaayada oo bilaash ah koobaha soo socda:
Wakaalada Fulinta Taageerada Carruurta Maxaliga ah (CSEA): La xariir CSEA ga degmada hooyadu dagan tahay. Haddii hooyadu ka baxsan tahay gobalka, a xariir CSEA ga degmada aabuhu dagan yahay. Guji halkaan si aad u hesho CSEA ga wadankaaga.
Tirakoobyada Imaha ee Maxaliga ah: Xafiisyada tirakoobka muhiimka ah ayaa ku yaala waaxda caafimaadka ee degmada. Halkaan guji si aad u hesho waaxda caafimaadka.
Haddii xafiisyadaada maxaliga ah ayaa laga xiray adeegyada tooska loo baxsho sabab la xariirta COVID-19, fadlan la xariir CPR ood ka wacayso 1-888-810-6446. Waxaan kaa caawin karnaa heitaanka adeegyada nootaayada ood bilaash ku helayso.