Waa maxay Barnaamijka Xaqiijinta Aabenimada?
Barnaamijkaan wuxuu bixinayaa isku xir, waxbarasho, tababar, tusmayn, qiimayn iyo caawimaad farsamo oo la siinaayo isbitaalka ilmaha dhalinaaya, diiwaannada maxaliga ah, xafiisyada fulinta taageerada carruurta, maxkamadaha, iskaashatada bulshada iyo waalidiinta aan isqabin. Diirada barnaamijka ayaa ah in kor loo qaado xaqiijinta ikhtiyaariga ah ee aabenimada si loo hubiyo in carruurta ku dhaqan Ohio ay leeyihiin aabayaal sharciyan loo aqoonsan yahay iyo taageerada dhaqaalaha iyo dareenka dhammaan carruurtu u baahan yihiin una qalmaan. Ohio, barnaamijka waxaa maamulaaya Diiwaanka Dhexe ee Aabenimada (CPR) oo ku dhex yaala Xafiiska Taageerada ilmaha, Waaxda Shaqada iyo Adeegyada Qoyska ee Ohio. Xog dheeraad ah oo ku saabsan CPR iyo shaqooyinkeeda ayaa laga heli karaa qaybta "Xog ku saabsan".
Guudmarka Aasaasidda Aabenimada
Aabenimo waxaa laga wadaa sharciyada aabenimada. Xaqiijinta aabenimada waa sida aabaha ilmaha dhalay ku noqdo aabaha sharciga ah ee ilmihiisa haddii asaga iyo hooyadu aysan isqabin. Haddii iinaan isqabin marka cunugaagu dhasho, cunugaagu ma haysto aabe sharci ah. Aabenimada waa in la xaqiijiyaa kahor intaan magaca aabuhu kasoo bixin shahaadada dhalashada. Haddii hooyada nin qabo, xaaskeeda ayaa loo arkayaa inuu yahay aabaha.
Aabenimada ayaa la xaqiijin karaa xiligii la doono kahor intaan cunugu gaarin da'da 23 sano. Aabenimada ayaa la xaqiijin karaa xataa haddii waalidka kale ku nool yahay gobal kale ama wadan shisheeye.
Xaqiijinta aabenimada ayaa muhiim ah carruurta iyo waalidkood. Dhammaan waalidiinta aan isqabin waa inay ka fikiraan xaqiijinta aabaha ilmaha — waayo dhammaan carruurta ayaa u qalma inay helaan faa'iidooyinka uu leeyahay aabe sharci ah. Xaqiijinta aabenimada ayaa siinaysa labada waalid iyo cunugoodaba xaquuqda iyo fursadaha ay u baahan yihiin una qalmaan. Waa wax fudud oo bilaash ah. Cadaynta Xaqiijinta Aabenimada (JFS 07038) ayaa la buuxin karaa si loo xaqiijiyo aabenimada marka ilmuhu ku dhasho isbitaalka ama kadib adoo tagaaya diiwaanka deegaankaaga (waaxda caafimaadka) ama wakaaladaha fulinta taageerada ilmaha ee degmada. Labada waalid midkood ayaa sidoo kale wici kara Diiwaanka Dhexe ee Aabenimada ee Ohio (CPR) oo laga helaayo 1-888-810-OHIO (6446) oo codso in nuqul laguugusoo diro boostada.