Haddii ay jiraan wax tuhun ah oo ku xeeran cidda ah aabaha cunuga, ha saxiixin Cadaynta Xaqiijinta Aabenimada. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato baaritaanka hide sidaha kahor intaadan go'aanka gaarin.
Waxaa jira xaalado gaar ah oo ka hor istaagi kara qofka inuu adeegsado cadaynta si loo xaqiijiyo aabenimada. Haddii aadan hubin, la xariir CSEA gaaga maxaliga ah. Halkaan guji si aad u ogaato goobta CSEA ga degmadaada.
Baro wax wax badan oo ku saabsan diiwaangelinnada caafimaadka iyo tallooyin ku saabsan sida loogu diyaargarooobo samaynta aabbanimada isbitaalka.
Markhaatiyaal iyo nootaayooyinka oo bilaash ah ayaad waxaad ka heli kartaan isbitaalada, waaxda caafimaadka/diiwangeliyayaasha, iyo CSEA-yada.
Aqoonsiga qirashada aabbanimada waxaa laga buuxin karaa gooban:
Goobahan oo dhan waxaa jooga shaqaale tababaran oo diyaar u ah inay waalidiinta ay ka caawiyaan in ay buuxiyaan xaashida dhaarta dhaarta. Waxaa sidoo kale u jooga shaaqle haysta nootaayada ama markhaati qof ka noqda marka waalidiinta xaashida ay saxiixayaan. Haddii foomku la nooteeyo, waalidku waa inay qofka nootaayada ay u dhiibaan aqoonsi sawir ku dhegan.
Labada waalid midkood ayaa sidoo kale Xarunta Dhexe ee Diiwaangelinta Aabbanimadae Ohio (Central Paternity Registry) (CPR) ka wici kara 1-888-810-OHIO (6446) oo codsan kara in nuqdi boostada loogu soo diro.
Waxaa jira laba nooc oo xaashida dhaarta ah oo la heli karo. Mid ka mid ah foormka wuxuu u baahan kaliya lagu hor saxiixo qof nootaayo ah. Foomka kale waa inuu ka markhaati noqdaa laba markhaati oo qaangaar ah ama nootaayo hor istaagaa. Labada foomka waa la aqbali karaa.
Haddii adiga iskaaga aad buuxinayso oo qof nootaayo haysto hortii ah, marka hore buuxi qaybta macluumaadka ilmaha, Markaa kadib hooyada iyo aabbuhu waa inay qaadaan tillaabooyinka soo socda:
1. Buuxi macluumaadka Hooyada iyo AabbahaXaqiijintaee qaybaha.
2. Foormka ku hor saxiix qof nootaayo ah.
3. Waalidka buuxinaya saxiixa ugu dambeeya ee nootaayada waa inuu xaashida oo dhammaystiran boostada ugu soo diraa Diiwaanka Aabbaha Dhexe ee Ohio (Ohio Central Paternity Registry) isaga oo isticmaalaya ciwaanka ku qoran xaashida dhaarta.
Foomku wuxuu u oggolaanayaa waalidiinta inay ku hor saxiixaan qof nootaayo hortiisa ama laba qof oo qaangaar ah hoortooda. Haddii adiga aad iskaaga u buuxinayso, marka hore buuxi qaybta macluumaadka ilmaha. Markaa kadib hooyada iyo aabbuhu waa inay qaadaan tillaabooyinka soo socda:
1. Buuxi macluumaadka ku qoran qaybaha Hooyada iyo Aabbaha.
2. Foormka ku hor saxiix qof nootaayo ama laba markhaati oo qaangaar ah.
3. Waalidka buuxiya saxiixa ugu dambeeyay ee nootaayaadka ama saxiixa markhaatiga waa inuu ku soo diraa dhaarta la dhammaystiray ee Diiwaanka Aabbanimada Ohio isagoo isticmaalaya ciwaanka ku qoran dhaarta.
Midkood labada qof ee saxiixay Cadaynta Xaqiijinta Aabenimada ayaa codsan kara in cadaynta laga laabto (uu ka baxo) 60 maalmood gudahood kadib saxiixa ugu danbeeya ee cadaynta.
Wakaalada fulinta taageerada ilmaha ee cunuga ama waalidka ama masuulka sharciga ah ee cunugu dagan yahay ayaa shaqadaan gacan ka gaysanaysa. Waxaa qayb ka ah buuxinta foomka ka laabashada, iska qorista baaritaanka hide sidaha, iyo samaynta baaritaanka hide sidaha. CSEA ayaa soo saari doonta amarka cidda aabe noqonaysa ayadoo lagu salaynaayo natiijada baaritaanka.
CPR ayaa ogaysiiska u diraysa Waaxda Caafimaadka ee Ohio kadibna diiwaanka dhalashada ayaa la hakin doonaa ilaa aabenimada la xaqiijiyo. Marka baaritaanka hide sidaha la sameeyo CSEA na ay soo saarto amarka maamulka ee go'aaminaaya aabenimada, diiwaanka cunuga ee dhalashada ayay cusboonaysiinaysaa Waaxda Caafimaadka ee Ohio (ODH).
Kadib mudada 60 maalmood ah, labada dhinac midkood ayaa keeni kara dacwad maxkamadeed oo ka noqonaaya cadaynta hal sano kadib markay cadayntu noqoto mid sugan.
Ninka loo aqoonsado inuu noqdo aabaha cunuga sida ku cad sharciga Ohio ee aan saxiixin cadaynta, midkood labada qof ee saxiixay cadaynta, ama waalidka ama masuulka sharciga ah ee ilmaha ayaa keeni kara dacwad maxkamadeed oo lagu burinaayo cadaynta ayadoo lagu salaynaayo inay ahayd khiyaano, afduub, ama khalad dhanka xogta ah.
Kadib marka hal sano laga joogo taariikhda saxiixa cadaynta, qof ayaa gudbin kara mooshin uu iskaga bari yeelaayo xaqiijinta kama danbaysta ah ee aabenimada asagoo soo gudbinaaya dacwad maxkamadeed oo ku cad Xeerka Cusub ee Ohio ee farqooyinka 3119.96 ilaa 3119.967.